Shacabka ku dhaqan deegaanada Puntland ayaa si weyn usoo dhaweeyey go’aankii ay Baarlamaanka Puntland ay kalsoonida kala laabteen Golaha Wasiiradda ee Maamul Goboleedka Puntland.
Qaar ka mid ah Shacabka ku dhaqan deeganaada Maamul Goboleedka Puntland oo u waramay Warbaahinta ayaa sheegay in Golaha wasiiradda ee kalsoonida lagala laabtay ay ku fashilmeen shaqadii loo idmaday ayagoo aad u bogaadiyey go’aanka ay qaateen Baarlamaanka Maamul Goboleedka Puntland.
Sidoo kale waxa ay ugu baaqeen madaxweyne Puntland in uu soo dhisi Golo Wasiiro oo tayo leh kuwaas oo waxka qabta dhibaayooin adag oo ka jira Puntland
Sidoo kale Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland ayaa si rasmi ah u aqbalay go’aanka Barlamaanka ee kalsooni kala noqoshada golaha Wasiiradda Maamulka Puntland waxa uuna balanqaaday in uu si dhaqso ah kusoo dhisi doono Golo Wasiiro Cusub.
Hoos Ka Dhageyso Codka Shacabka