Dhageyso:-Shacabka Magaalada Baydhabo oo amar lagu soo rogay

Gudoomiyaha Gobolka Baay Cali Wardheere C/Raxmaan ayaa ugu baaqay Shacabka ku nool Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay in ay ka qeyb qaataan dib u dhiska Magaalada Baydhabo iyo sidoo kale dhanka Nabadgelyada.

Isagoo sii hadlayay ayaa waxa uu sheegay in ay muhiim tahay in Shacabka iyo maamulka ay ka wada Shaqeeyaan amniga iyo dib u dhiska islamarkaana Maamulka uu furi doono Goobo lagu aruuiyo Dhaqaalo dib loogu soo celinaayo Bilicdii ay laheyd degmada Baydhabo.

Gaba gabadii waxa uu sheegay in Shacbka looga baahan yahay in ay garab istaagaan Maamulkooda islamarkaana aysan waxba ka sugin dad kale.

Hadalkaan ayaa waxa uu sheegay gudoomiyaha Gobolka Baay Cali Wardheere C/Raxmaan xili uu kulan la qaatay Shacabka ku nool Magaalada Baydhabo isagoo kala hadlayay arimaha amniga iyo Bilicda Magaalada.

Hoos Ka Dhageyso Codka

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media