Wararka naga soo gaaraya degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud ayaa waxa ay sheegayaan in Al-Shabaabka ku sugan degmadaas ay bilaabeen dhaqdhaqaaqyo ay uga baxayaan.
Dadka deegaanka oo diiday in Magacooda iyo codkooda loo adeegsado Warbaahinta sababo dhanka amniga ah ayaa waxa ay sheegen in Al-Shabaab ay bilaabeen in ay hubkooda kala baxaan degmadaas.
Waxa ay sheegeen in Shabaab haatan badankood ay Ciidamadii iyo hubkii kala baxeen Ceelbuur iyaga oo aaday dhanka degmada Galhareeri ee isla Gobolka Galgaduud.
Arrintaan ayaa timid kadib hadal Maalin ka hor ka soo yeeray Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Shaakir Cali Xasan kaas oo ahaa in dadka Galmudug laga doonayo in ay ka qeyb qaataan dagaalka ka dhan ka ah Al-Shabaab.
Hoos Ka Dhageyso Warbixinta Warkaan oo ay degmada Guriceel ka soo dirtay Wariyaheena Maryan Mire Axmed.