Dhageyso:-Senator Aqalka Sare oo cadeeyey heerka uu gaaray musuqa ka jira dalka baaqna u diray Xukuumadda Kheyre

Sanoter Cabdi Waaxid Cilmi Goonjeex oo ka mid ah Xildhibaanadda Aqalka Sare ayaa sheegay in wixii ka dambeeyey burburkii  Sanadkii 1991 dalka uu ka dhacay musuq maasuq ballaaran kaas oo saameeyay hantidii Qaranka.

Waxa uu sheegay in dhammaan hantidii qaranka uu lahaa uu gacanta u galay Shaqsiyaad kuwaas oo u baahan in lala xisaabtamo.

Xukuumadda Soomaaliya ayuu Senator Cabdi Waaxid Cilmi Goonjeex ugu baaqay in ay warka soo saarto hantida qaranka ee la boobay si guddiga madaxa banaan ee la-dagaalanka musuq maasuqa ay Shaqadooda u fududaato.

Hadalka Sanoter Cabdi Waaxid Cilmi Goonjoox ayaa ku soo aadaya xilli dowladda Soomaaliya ee hadda jirta ay marwalba ku celceliso in ay la-dagaalami doonto musuq maasuqa.

Hoos Ka Dhageyso Codka Sanoter Cabdi Waaxid Cilmi Goonjeex.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media