Dhageyso:-Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab oo Gurigiisa dab qabad siiyay

Wararka naga soo gaaraya qeybo kamid ah Gobolka Shabeellaha hoose ayaa waxa ay sheegayan in dab la qabad siiyay saacadihii la soo dhaafay tuulooyin ka tirsan Gobolkaas oo ay deganaayeen dad Shacab ah.

Tuulada lagu magacaabo Busleey Daa’uud oo hoostagta degmada Janaale ee Gobolkaasi Shabeellaha hoose y la sheegay in ay Al-Shabaab dab qabad siiyeen islamarkaana taasi ay sababtay in ay waxyeelo ka soo gartay dad Shacab ah.

Afhayeenka Ciidamada deeganka Gobolka Shabeellaha hoose Maxmed Ciise ayaa dhacdadaan lagu gubay tuulada Busleey Da’uud ay ka dambeeyaan Al-Shabaab islamarkaana Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab uu leeyahay mid ka mid Guryaha gubanaya.

Hoos Ka Dhageyso Wareysiga

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media