Dhageyso:-Sanoter Cabdi Qeybdiid oo ka hadlay weerarkii lagu qaaday Gurigiisa

Sanoter Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ahna gudoomiyaha Gudiga Dastuurka labada Aqal ee Baarlamanka Soomaaliya ayaa shir jaraa’id uu Warbaahinta u qabtay wax uu kaga hadlay weerar Ciidamo hubeysan ay hoygiisa ku qaadeen duhurnimadii Sabtida ah ee Maanta.

Cabdi Qeybdiid ayaa sheegay in Duhurnimadii Maanta Saacadu markii ay aheyd 1:20 Daqiiqo ay Gurigiisa galeen Ciidanka socda dowladda kuwaas oo albaabka hore ee Gurgiisa ku jebiyay Gaari kadibna ay qoryihii ka qaadeen ilaaladiisa.

Waxa uu hadalkiisa intaas ku daray in Ciidamadu ay sidoo kale jebiyeen Albaabadii guriga isla markaana ay baaritaano ku sameeyeen Qolalkii Guriga,sidoo kale ay taleefoonadii ka qaateen dhammaan dadkii joogay Guriga oo ay ka mid aheyd Xaaskiisa.

Wariyayaasha ayaa weeydiiyay cida ka dambeysa weerarkaas ayaa waxa uu sheegay in ilaa iyo hadda uusan garaneyn balse uu soo wacay taliyaha ciidamada NISA ee gobolka Banaadir Saadaq un sheegay in Ciidamada weeraray Gurigiisa ay yihiin Ciidamada ay tababartay dowladda Imaaraadka Carabta eek u sugan Muqdisho.

Waxa uu sheegay in uu yahay Nin Sanoter ah oo xasaanad leh isla markaana Gurigiisa iyo waliba isaga aan la baari Karin iyada oo aan xasaanada laga qaadin.

Sanoter Cabdi Qeybdiid faah faahino dheeri ah intaas ka badan kama sii bixin weerarka Duhurnimadii Maanta lagu qaaday hoygiisa oo ku yaalla Xaafada Seybiyaano gaar ahaan Beerta Jaadka ee degmada Hodan.

Hoos Ka Dhageyso Shirka Jaraa’id ee Sanoter Cabdi Qeybdiid.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media