Dhageyso:-Salaad Cali Jeelle”Siyaasiyiinta iyo Shacabka farta haku fiiqaan kuwa diidan Dowladnimada”

Shir Jaraa’id uu Warbaahinta Maanta Magalada Muqdisho  ugu qabtay siyaasiga Salaad Cali Jeelle ayaa waxa uu marka hore kaga hadlay,isla markaana uu soo dhaweeyey heshiiskii Sabtidii ay muqdisho ku kala saxiixdeen Soomaaliya iyo itoobiya

Siyaasiga ayaa sheegay in uu yahay heshiiskaas mid wanaagsan oo loo baahan yahay in la taageero maadaama dowladda hadda jirta ay tahay mid horay u socota sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaa muhiim ah in heshiisyada ay galeyso dowladda la atageero la iskana daayo dadka sikale wax u dhigaya oo argagaxisada u Shaqeeya anaga hadii aan nahay Siyaasiyinta iyo shacabka intaba waxaa nagala rabaa in aan farta ku fiiqno dadka diidan dowladnimada Soomaaliya ayuu yiri Siyasiga Salaad Cali Jeelle.

Heshiiskii ay wada saxiixdeen dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa waxaa qeyb ka ahaa in dowladda itoobiya ay maagashato 4 ka mid ah dekadaha soomaaliya taas oo ay dhaliileen qaar ka mid ah Siyaasiyiinta Soomaaliyeed iyo Shacabka intaba.

Hoos Ka Dhageyso Codka Siyaasiga Salaad Cali Jeelle.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor