Dhageyso:-Saddex Weerar oo ka dhacay Shabeellaha Hoose & Maamulka oo ka hadlay

Al Shabaab Barqanimadii maanta ay weerareen saldhig ay ciidanka AMISOM ku leeyihiin gobolka Shabeelaha Hoose gaar ahaan saldhiga AMISOM ee deegaank Buulo Mareer.

Weerarka ayaa la sheegay in Al Shabaab oo ay u adeegsadeen baabuur laga soo buuxiyay walxaha qarxa kaas oo lala beegsaday saldhigyo ay AMISOM ku leeyihiin magaalada Buulo Mareer iyo tuulada Golweyn.

Weerarro kale ayaa laga soo sheegayaa Qoryooley iyo buundada Mashallay. Waxaa kale oo la sheegay in Al-Shabab ay hoobiyayaal ku tuureen saldhig kale oo ay AMISOM leedahay.

Gudoomiye ku xigeenka Maamulka Shabeellaah Hoose Cabdifitaax Xaaji Cabdulle ayaa faah faahin ka bixyey dhowrkii weerar ee Maanta ka dhacay deegaano ka mid ah Shabeellaha Hoose.

Hoos ka Dhageyso Codka Gudoomiye kuxigeenka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media