Dhageyso:-Sababta ka dambeysa safarka Madaxweynaha Puntland ee Imaaraadka

Cabdi Wali Maxamed Cali (Gaas) Madaxweynaha puntland, ayaa ka hor inta uusan dhoofin wuxuu Suxufiyiinta u sheegay ujeedka safarkiisa inay tahay arrimo la xiriira ciidamada Badda Puntland ee Imaaraadka Carabta gacanta ku hayeen.

Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in afar cisho uu ku sugnaan doono Magaalada Abu Dubai ee dalka Isu taga Imaaraadka Carabta.

Madaxweynaha Puntland wuxuu kaloo sheegay in Imaaraadka uu kala soo hadli doono la dagaalanka Shabaab iyo Daacish, maadaama deeganada Puntland qayb ay ka joogaan.

Waxa kale uu sheegay intii uu ku sugan yahay dalka Isu taga Imaaraadka Carabta inuu madaxda dalkaasi kala soo hadli doono arrimaha kaabayaasha dhaqaalaha deeganada Puntland.

Safarka Gaas uu maanta ugu ambabaxay Magaalada Abu Dubai ee dalka Isu taga Imaaraadka Carabta, ayaa wuxuu ku soo aadayaa iyadoo ay taagan tahay xiisada ka dhalatay lacagtii Dowladda Somaliya ay ku qabatay Garoonka Aadan Cadde.

Hoos Ka Dhageyso Codka Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabduweli Gaas.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media