Dhageyso:-RW Abiy Axmed oo sheegay in Somalia iyo Itoobiya hal dal laga dhigayo & jawaabta dowladda

Ra’isulwasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed oo ka hadlayay safarkii uu ku tagay Muqdisho iyo heshiiskii uu la gaaray madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in mustaqbalka la mideynayo labada dal ee Itoobiya iyo Soomaaliya.

“Ujeeddada ugu weyn ee wada hadallada ayaa waxay ahayd ilaa iyo goormaan taariikh ka sheekeyneynaa oo aan leennahay hebel hebel ayuu dilay oo aan sheekadaasi jiilal badan kaga hor istaageynaa iney hormar gaarin, oohinta soo naguma filno, korneel Mengistu iyo Siyaad Barre ayaa waxaa iyo waxaa sameeyey intaan ka sheekeyn lahayn oo aan labadan shacab oo walaalaha ah kala geyn lahayn, labada shacab tilaabba aan ku kulmineyno, aan isugu soo dhaweyneyno oo aan isdhexgal iyo midnima dhab ahba sidi aan isugu keeni lahayn waddo noocaasi soo ma abuuri karno ayaan guud ahaan ka wada hadalnay” ayuu yiri Dr Abiy Axmed.

Dr Abiy oo sii hadlayay ayaa sidoo kale yiri ” waxaan ku heshiinnay wadahadalladi na dhexmaray arrima raja badan na geliyey weeyaan, si ku meel gaar ah inaan iskaashi dhaqaale oo dhammeystiran aan yeelanno, mustaqbalkana annaga oo shacabka mideyneyno inaa hal dal oo dhammeystiran aan iisu beddelno. In dekad la kireeyo ama inaan annaguna bun halkaa ka dirno oo keli ah iyadoo aysan ahayn kheyraadka baahsan ee gobolka ka jiro iyo kheyraadka shacab ee ka jiraba in la iisu geeyo waxaa lagu abuuri karaa gobol dakada badan leh, kheyraad badan leh, shacab tira bandanna leh oo suuq weyna noqda”.

Mar uu ka hadlayay arrimaha badda Soomaaliya maadaamaa Itoobiya ay bad la’aan tahay ayuu sheegay in aysan suurtogal ahayn in Soomaaliya badda intaas la’eg lahaado, Itoobiya aysan yeelan meel ay deked ka dhigato, “taa micnaheedu waa maxay? soomaaliya waa dal Juqraafi ahaan meel hal bowla ah ku yaalla, laakiin biyaha badda intaa le’eg ee Soomaaliya ku wareegsan maalinti inaan hal Markab lagu arkin ayuu noqday, biyahaasi badda intaa le’eg oo aan maalinti hal Markab xitaa lagu arkeyn, biyahana ay ahayn kuwa la cabbo dhulki wax lagu beeran lahaana biyahaasi uu dalku ka haystaan, anaguna aan dhahno dekad la’aan ayaan nahay oo aan dhibtoonno marka mustaqbalka fog laga eego aad ayey noo dhibeysaa waxyeella ayayna nagu haysaa”.

Xagga midnimada waxa uu tusaale usoo qaatay dalal adduunka ka mid ah sida Imaaraatka iyo Maraykanka, wuxuuna ka yiri “waddamada geeska Africa ka jira haddii ay u suuragasha iney noqdaan hal dal oo mideysan sida Dubai, ama sida Mareykan amaba Yurub oo kale ay noqdaan, intaan ka baxno waxyaabaha yaryar oo aan kireyno inta aan ku noolaan leheyn waxaan heli karnaa faa’idooyin ballaadhan ayaan heli karnaa, caalamkana waxaan ku yeelan karnaa awood aan ku gorgortanno taa ayaan ku wada hadalnay”

Balse fikirka Dr Abiy waa uu ka balaaranyahay Soomaaliya iyo Itoobiya, waxa uu qabaa falsafad ah in gobolka Geeska Afrika oo dhan la mideyn karo, lana gaarsiin karo barwaaqo sooran, wuxuuna yiri “biyahaasi aan dabiici ahaan ku helnay haddii aan dekad ahaan u isticmaalno maadaamaa uu u dhow yahay marin muhiim ah hanti badan ayaan ka heleynaa, annaguna wax kala iibsiga ina dhexmaraya lafteeda waxaa isku dhaafsan karnaa hanti aad u badan, Soomaliya, Kenya , Jabuuti iyo Eretiriyaba, waxaan noqoneynaa tira shacab oo gaadhaya kala badh iyo ka badan shacabka Mareykanka, waa shacab aad u badan”.

Dhinaca kale Dowladda Soomaaliya ayaa markiiba ka jawaabtay hadalka Dr Abiy, iyada oo wasiirka warfaafinta dowladda Federaalka Daahir Maxamuud Geelle uu sheegay in aysan arrintaasi waxbo ka jirin, islamarkaasna ay wada hadleen labo dal oo kala madax banaan.

Balse Daahir ayaa dhanka kale sheegay in Soomaaliya ay Itoobiya ka hesho biyaha macaan ee webiyada, loona baahanyahay in iskaashi la sameeyo.

Hoos Ka Dhageyso Codka Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media