Dhageyso:-Rasaas Goos Goos ah oo ka dhaceysa deegaanka Xeraale

Wararka aan ka heleyno saakay deeganka Xeraale ee Gobolka Galgaduud ayaa waxa ay sheegayaan in halkaas rasaas Goos goos ah laga maqlayo deegaanka xeraale.

Labadii Maleeshiyo ee waayadaan ku dagaalamayay Xeraale ayaa weli halkaasi iskuhor fadhiya maadaama wadahadalo farabadan oo horay loogalay ay fashilmeen.

Nabadoon Cali Cusmaan oo ka mid ah Waxgaradka Xeraale ayaa Dalsan u sheegay in iminka uusan jirin wax dagaal ah oo socda,balse Ciidamadii dagaalamay ay mararka qaar rasaas Goos Goos ah ay isku ridayaan.

Wax uu sheegay in inta badan dadkii ku noolaa deegaanka xeraale ay ka barakaceen,islamarkana qaarkood ay dhibaato ku heysato duleedka deegaanka Xeraale.

 

Qoraa Cabduqaadir Jakaarta

Hoos K Dhageyso Wareysiga Nabadoonka

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media