Dhageyso:-Ra’iisul Wasaare ku xigeenka oo maanta furay Mashruuc iskaa wax u qabso ah

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya ayaa Maanta ka qeyb galay Munaasabad lagu  daahfuray Mashruuc dib loogu hagaajinayo Wasaarada Waxbarashada iyo Hidaha iyo tacliinta Sare ee dowladda Federaalka Soomaaliya.

Munaasabada ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya Cabdi Daahir Wasiir ku xigeenka Wasiirada iyo wasiiru dowlaha wasaarada iyo Masuuliyiin kale Mashruucaas oo logu magac daray iskaa wax u qabso.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Soomaaliya Abuukaate Mahdi Maxamed Guuleed,oo Goobta ka hadlay ayaa sheegay in iyadoo laga jawaabayo baaqi Madaxweynaha Soomaaliya uu shaaciyay 15 Bishii May ee ahaa in dib loo dhiso Xarunta Wasaarada Waxbarashada Soomaaliya la bilaabay in siwadjir ah looga wada qeyb qaato.

Sidoo kale waxa uu hadalkiisa intaas ku daray in iyana Wasaaradaha kale ee dowladda laga filayo in ay ku daydaan Masuuliyiinta Waxbarashada islamarkaana ay bilaabi doonaan Mahsruuc sidaan oo kale ah.

Hoos Ka Dhageyso Codka Ra’iisul Wasaare ku xigeenka

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media