Dhageyso:-Ra’iisul Wasaare Kheyre”Waxan rajeynayaa in Sanadka dambe Bandhig Weyn lagu qabto Soomaaliya”

Xasan Cali kheyre Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa maanta booqday Bandhiga Buugaata Muqdisho kaas oo Maalintii labad ka socda Hotelka Royal Place ee Magaalada Muqdisho.

Xasan Cali kheyre oo hadal kooban u jeediyay dhalinyaradii iyo Bulsahdii ka qeyb gashay Bandhiga Buuagagta Muqdisho.

“Aniga halkaan waxaan u imaaday in aan Buugaag Gato balse uma imaan in aan khudbad idiin jeediyo,balse waxaan idiin sheegayaa in laba arrimood oo aan halkaan ku arkay kuwaas oo aysan macquul aheyn in ay wada kulmaan waana dhalinyaro iyo aqoon ayuu yiri ra’iisul Wasaaraha.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale sheegay in ay dhiiragelineyso dowladda in bandhigaan mid ka weyn Sanadka dambe lagu qabto Soomaaliya.

Hoos Ka Dhageyso Codka Ra’iisul Wasaaraha

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media