Dhageyso:-Ra’iisul Wasaare Kheyre”Waxaa la gaaray xiligii laga gudbi lahaa qabyaalada iyo laab laabka”

Xasan Cali kheyre oo khudbad u jeedinayay qaar ka mid ah Dhalinyarada Soomaaliyeed oo uu kula kulmay Xarunta Akeedamiyada Fanka iyo Suugaanta ayaa sheegay in laga gudbi waqtigii dhex dhexaadka la ahaan jiray.

“Waa la dhaafay waqtigii qof Soomaaliyeed dhex dhexaad ahaan jiray waa la soo dhaafay waqtigii danta gaarka ah laga hormarin jiray danta gaarka ah waa la soo dhaafay waqtigii waxyar ee dhaca la siyaasadeyn jiray, waxaa la joogaa waqtigii la oogi lahaa Soomaalinimada waxaa la joogaa waqtigii aad codkiina qor u qaadi laheydeen una hiilin laheydeen dowladnimada ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Kheyre.

Xasan Cali kheyre oo hadalkiisa siiwata ayaa sheegay in hadii la doonayo in la helo Soomaaliya oo Nabad ah oo loo soo Shaqa tago  in dadku ay garab istaagaan dowladooda.

Hoos Ka Dhageyso Codka Ra’iisul Wasaaraha

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media