Dhageyso:-Ra’iisul Wasaare Kheyre”Waa Muhiim in qof walba uu ogaado dalkan halka uu u socdo”

Xasan Cali Kheyre Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in dalka Soomaaliya mudo dhowr Sano ah uu soo maray dhibaatooyin kala duwn oo aysan iloobi doonin Shacabka Soomaalieyeed.

Waxa uu sheegay in Waqtigaan ay wanaagsan tahay sidii looga wada hadli lahaa Mustaqbalka soomaaliya iyo sidii looga wada  Shaqeyn lahaa Dib u dhiska dalka Soomaaliya.

“Muhiim maahan in dad yar oo Bulsahda kamid ah ay Nabadda iyo horumarka ay ka Shaqeeyaan dadka oo dahn ay u taalaa horumarka Soomaaliya si qof walb uu u heli waxa uu hiigsanaayo soomaaliyana ay noqoto Soomaalidii la yaqaanay.

Hadalkaan ayaa Ra’iisul Wasaare kheyre waxa uu ka sheegay Maanta Munaasabad lagu daahfurayay kuliyada Cilmiga Saxaafada oo lagu qabtay Xarunta Wasaarada Warfaafinta Soomaaliya.

Hoos Ka Dhageyso Codka Ra’iisul Wasaaraha

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media