Dhageyso:-Ra’iisul Wasaare kheyre,Taliska Asluubta waa Astaanta Cadaalada dalka Soomaaliya”

Xasan Cali kheyre Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed uu yahay tiirka ugu muhiimsan Bulshada Soomaaliyeed.

Waxa uu sheegay in ay yihiin kuwo wax ka bedela dadka Soomaaliyeed islamarkaana uu ka bilaawdo wanaaga.

Waxa uu kula dardaarmay Saraakiisha Ciidamada Asluubta Soomaaliyeed in ay ogaadaan in ay yihiin Astaanta cadaalada,islamarkaaana laga doonayo in ay u dhaqmaan kuwo hormuud u noqda Cadaalada.

Hadalkaan ayaa Ra’iisul Wasaare Xasan Cali kheyre wax uu sheegay xili shalay uu booqday Xabsiga dhexe ee Magaalada muqdisho.

Hoos Ka Dhageyso Codka Ra’iisul Wasaare Kheyre.

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media