Dhageyso:-Ra’iisul Wasaare Kheyre oo shir gudoomiyey kulan looga hadlayay Arrimaha Gargaarka Soomaaliya+Sawirro

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ahee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta ka qayb-galay shirka ay soo qaban qabiyeen ururka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, kaa soo looga hadlayay qorshaha gar-gaar ee arrmaha bini-aadanimadda sanadka 2018.

Shirkan oo ay ka soo qayb galayn dhammaan hay’addaha Qaramada Midoobay ee ka howlgala dalka, ayaa lagu falanqeeyay dhamaan wixii qabsoomay sanadkii tagay ee 2017-ka.

Ra’iisul WasaarahaSoomaaliya ayaa shirka ka akhriyay warbixin ku saab-san howlihii ay xukuumaddu ka qabatay abaarihii dalka ka dhacay, isagoo tilmaamay in sanadkii hore ay Soomaaliya muujisay dareen wada jir ah, oo dadka Soomaaliyeed ku abuuray rajo wanaagsan.

“Waxan idin cadaynayaa in ay dawladda Soomaaliya aysan wadahayn agabkii loo baahnaa ee looga hor tagi lahaa abaaraha soo noq-noqanaya, balse waxaan balan qaadaynaa in aan muujino lahaanshaha iyo mas’uuliyada ka hor-tagida abaaraha” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaarha Soomaaliya.

Sidoo kale waxuu dadka Soomaliyeed usoo jeediyay in ay noqdaan cida ugu horaysa ee u gurmata shacabka ay abaarahu saameeyaan, si looga maarmo caawinta gacmo kale ama dawladda shisheeye.

Dhanka kale hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ayaa dhankooda sheegay in 1.6 billion US$, loo baahan yahay si loogu caawiyo bay yiraahdeen dad gaaraya 5.4 million oo qofood,kuwaas oo u baahan gargaar.

Ugu dambayntii Ra’iisul Wasaaraha ayaa bogaadiyay doorka Qaramada Midoobay ee ku aadanaa gar-gaarkii bini’aadanimo ee ay u qabteen ummadda Soomaaliyeed, wuxuuna u rajeyay in sanadka cusub ay sii balaariyaan shaqada ay ka wadaan dalka Soomaaliya.

Hadaba qodobada ugu muhiimsanaa kulanka waxaa ka hadlay Gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Soomaaliya Axmed Cabdi Kariim Nuur.

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media