Dhageyso:-Ra’iisul Wasaare Kheyre oo sheegay Kaalinta Ciidanka ee Sugida Amniga dalka

Ra’iisul Wasaaraha Soomaliya Xasan cali kheyre oo Maanta ka qeybgalayay Shirka   todobaad  lahaa ee sarakiisha Ciidanka kaas oo looga hadlayay sidii ay u hagaagi laheyd wadashaqeynta Ciidamada ayaa waxa uu aad u ammaanay Shaqooyinka adag oo ay hayaan Ciidamada.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in ciidamada ay yihiin lafdhamarka dalwalba islamarkaana loo baahan yahay in ay kaalintooda ka soo baxaan.

“qof walba oo jecel dalkiisa dhismihiisa idinka waxad uga duwan tihiin malihidiin Gobol aad ka soo jeediin,malihidiin qabiil aad ku abtirsantaan,malihidiin qeyb ma koox aad gashaan,idinku waxad tihiin markii qarnimadu Mugdi gasho cida kaliya ee heli karta Nal Iftiin leh,waxad tihiin markii la waayo meel lagu cararo meeshii loo carari lahaa,idinku waxaad tihiin markii Ummaddu raja beel uu ku dhaco cidii Biyo ku shubi laheyd Geedkii laga abuuray rajadaas.

Hoos Ka Dhageyso Khudbaddii Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media