Dhageyso:-Ra’iisul Wasaare Kheyre oo sameeyay xilka qaadis iyo Magacaabis

44-Cisho kadib Mohamed Mursal Sheikh Abdirahman ayaa loo magacaabay Wasiirka Gaashandhiga Xukuumada Federalka.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumada Federalka Eng Craxmaan Cumer Cismaan Yariisow ayaa waxa uu  sheegay in Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan loo magaacabay Xilka Wasiirka Difaaca.

12-kii Bishii October ayaa Xilkan Wasiirka Gaashandhiga waxaa iska casilay C/ashiid C/llahi Maxamed oo arimo la xiriira shaqsiyadiisa ku sheegay in Xafiiska uu ku baneeyay.

Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa soo noqday Xildhibaan Dowladihii KMG,waxaana uu mar soo noqday Safiirkii Somalia ee Turkiga, waxaana sido kale uu soo qobtay Xilka Wasiirka Tamarta iyo Biyaha.

Dhinaca kale waxaa xilka laga qaaday Wasiirka Diinta & Awqaafta Mudane Iiman Abdullahi Ali, waxaana si kusime ah Xilkaa loogu dhiibay Wasiiru Dowlaha Wasaarada Diinta iyo Owqaafta Mudane Abdihakim Hassan Ibrahim Ashkir.

Magacaabista iyo xil ka qaadista uu sameeyay Ra’iisul Wasaaraha ayaa lala xiriirinayaa in loo cuskaday isku dheeli tir qaabka awood qeybsiga beelaha ah, hase ahaatee waxaa la sheegayaa inay ka dhalan karto qeyla-dhaan ka timaada siyaasiyiin qaarkood xil sugayaal ahaa iyo kuwo balanqaad heystay

Hoos Ka Dhageyso Codka Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media