Dhageyso:-Ra’iisul Wasaare kheyre oo qiray musuq maasuq ka jira dalka

Xasan Cali Kheyre Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay qiray in dalka Soomaaliya uu ka jira musuq maasuq baahsan kaas oo saameyay badi Bulshada Soomaaliyeed.

Waxa uu sheegay Kheyre in weli Xukuumadda Soomaaliya aysan gaarin hankii ay uga hortegi laheyd masuq maasuqa isla markaana musuq maasuqii ugu weynaa uu dalka ka jira.

Isaga oo sii hadalayay Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa wxa uu sheegay in lacagihii loogu talo galay qasnada dowladda si Bulshada wax loogu qabto aysan ku jirin Gacanta dowlada isla markaana meelo kale ay ku dhacdo.

Ugu dambeyn waxa uu sheegay in dalkaan uusan ka dhamaameyn musuq maasuq ilaa iyo inta Wasaaradda Maaliyadda ay dad u xir xirin musuq maasuqa.

Ra’iisul Wasaare kheyre ayaa dhowr mar ku cel celiyay in xukuumadiisu ay sida Al-Shabaab oo kale ula dagaalami doonto musuq maasuqa balse uu isagu haatan qirtay in aysan weli ku guuleysan la dagaalanka musuqa.

Hoos Ka Dhageyso Codka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media