Dhageyso:-Ra’iisul Wasaare Kheyre oo la kulmay Wafdi ka socda Bankiga Aduunka

Xasan Cali Khayre Ra’iisul Wasaaraha Jamhuurida Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta Magaalada Muqdisho waxa uu kula kulmay u qaabilsanaha  Geeska Africa ee Bangiga Aduunka Bella Bird.

Kulanka laabda Masuul oo ahaa mid xsaasi ah ayaa waxa ay ka wada hadleen arrimo ay ka mid haayeen in dhlinyarada Somaliyeed la siiyo firsado Shaqo, iyaga oo loo abuuryo barnaamijyo kor loogu qaadayo xirfadooda.

Cabdullaahi Sheekh Cali (Qaloocow) Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya oo kulanka Saxaafada u faah faahiyay ayaa sheegay in inta abdna ay isla soo qaaden Shaqaaleysinta Dhalinyarada Soomaliyeed gaar ahaan kuwa ku nool Muqdisho.

Sidoo kale Bella Bird, ayaa amaantay kobaca dhanka dhaqaale oo ay sameysay Sanadkaan Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya, iyo sidoo kale sidii Bangiga Aduunka uu usii wadi lahaa k qeyb qaadashada Gurmadka loo sameynayo Soomaaliya.

Hoos Ka Dhageyso Codka Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media