Dhageyso:-Ra’iisul Wasaare Kheyre oo kormeer ku tegay degmooyin ka tirsan G/Banaadir+Sawirro

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa xalay waxa uu kormeer ku tegay Isgoysyada qaar ee degmooyin ka tirsan gobolkan Banaadir iyo Xeebta liido ee degmada Cabdul Casiis Magaalada Muqdisho.

Kormeerka ayaa waxaa ku wehlinayey Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Eng, Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow, taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyed iyo masuuliyiin kale,waxa ayna tageen goobo ay ka mid yihiin Isgoyska km4 Xeebta liido iyo goobo kale.

Ra’iisul Wasaare kheyre ayaa Warbxino ka dhageystay Saraakiil uu kula shiray xeebta Liido,kuwaas oo uga warbixiyey howlgalladii u dambeeyay oo ay ciidamada dowladda Soomaaliya ka sameeyeen degmooyin ka tirsan gobolka Banaadir.

Gudoomiye ku xiegenka Koowaad ee Amniga iyo siyaasada Gobolka Banaadir Maxamed Cabdullaahi Tuulax oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in kormeerka Ra’iisul Wasaaraha uu ka mid ahaa qorsha amniga Caasimadda iyo sidii loo dardar gelin lahaa.

Waxaa kaloo uu sheegay in Xeebta liido Ra’iisul Wasaare kheyre uu kula kulmay Bulshada halkaasi ku caweynaysay,oo isugu jiray Ganacsato iyo dad iyagu u damaashaad tegay.

Ra’iisul Wasaare kheyre ayaa horay waxa uu sidaan oo kale kormeer ku tegay degmooyin ka tirsan gobolka Banaadir,iyada oo uu Warbixino ka dhageystay Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda kuwaas oo uga warbixinayey howlgallada ay Muqdisho ka wadaan iyo sugida amniga.

Hoos Ka Dhageyso Codka gudoomiye Tuulah kana Daawo Sawirrada.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media