Dhageyso:-Ra’iisul Wasaare kheyre oo ka warbixiyey Safarkiisa Adis Ababa+Sawirro

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Goordhow waxa uu gaaray Magalada Adisa Ababa ee dalka Itoobiya,waxana halkaasi ku soo dhaweeyey masuuliyiin ka tirsan dowladda Itoobiya.

Safarka ayaa Ra’iisul Wasaaraha waxa ku wehliya Xubno uu ka mid yihiin Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibada  iyo masuuliyiin kale kuwaas oo caawa ku hoyanaya Magalada Adis Aababa.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Addis Ababa Amb. Maxamed Cali Nuur Xaaji ayaa sheegay in wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ay mudo laba cisho ah ku joogi doonaan dalka Itoobiya,isla markana uu la kulmi doono Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiyi Axmed.

Waxa uu sheegay in ay labada masuul ka wada hadli doonaan iskaashiga Waxbarashada,Nabadgelyada iyo qodobo kale.

Hoos Ka Dhageyso Codka SafiirkaSoomaaliya u fadhiya Itoobiya kana Daawo Sawirrada.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media