Dhageyso:-Ra’iisul Wasaare Kheyre oo ka hadlay Sababta loo aas aasay Xafiiska Cabashada dadweynaha

Ra’iisul Wasaaraha soomaaliya Xasan Cali kheyre oo shalay gelinkii dambe xariga ka jaray Xafiis ay dadweynaha ku soo gudbinayaan cabashadooda ayaa ka hadlay sababta loo aas aasay Xafiiskaas.

Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in sababta Wasaarada Cadaalada ay u furto Xafiskaas ay tahay sidii Shacabku ay u heli lahaayeen Cadaalad.

“Wasaaradu in ay xafiiskaan furto wa qeyb ka mid ah cadaalada ay helaan shacabku, maahan mid lacag lagu bixinaayo waana mid ay shacabku u baahnaayeen kadib markii ay shacabku soo gudbiyaana madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha loo soo gudbin doono ayuu yiri ra’iisul wasaaraha”

Hoos Ka Dhageyso Codka Ra’iisul Wasaaraha

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media