Dhageyso:-Ra’iisul Wasaare kheyre oo ka hadlay Khilaafka Siyaasadeed iyo xoojinta Federaaleynta

Xasan Cali kheyre ayaa marka hore Khudbadiisa ku sheegay in Maamulka Hir-Shabeelle ay dowladda Soomaaliya garab istaagi doonto iyada oo kaashaneysa Madaxda dowlad Goboleedyada.

Waxa uu sheegay sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha in dalka uu waqtigaan u baahan yahay iscafis, kalsooni abuuris iyo iskuheynta Bulshada ku nool Gobolada dalka oo dhan.

Sidoo kale waxaa uu kula dardaarmay Madaxda dowlad Goboleedyada in ay dalkaan uu u baahan yahay abuurista ilo dhaqaale si loo soo kabsado.

Xasan Cali Kheyre ayaa sidoo kale khudbadiisa ku soo hadal qaaday khilaafka dowlad Goboleedyada iyo Madaxda dalka waxa uuna sheegay in ay waqtigaan dadka Soomaaliyeed u baahneyn khilaaf.

Waxa uu soo hadal qaaday Gogoshii uu Maalin ka hor ku baaqay in ay isugu yimaadaan Madaxda dowlad Goboledyada iyo Madaxda dalka Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Waxa uu kula dardaarmay in la xoojiyo xiriirka dowlad Goboleedyada iyo Madaxda dalka khilaafkana lagu bedelo iscafis.

“Dhamaan dadka ka soo qeyb galay munaasabada waxaan idiin sheegayaa in dowladda soomaaliya ay diyaar u tahay xoojinta federaaleynta, isla markaana ay been tahay khilaafka dowlad Goboledyada iyo dowladda ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha”

Hoos Ka Dhageyso Khubada Ra’iisul Wasaare kheyre.

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media