Dhageyso:-Ra’iisul Wasaare Kheyre oo Hay’adaha Amniga amray in la soo qabto Magafayaasha Libya

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali kheyre ayaa sheegay in dhalinyarada Soomaaliyeed ee dalka ka tahriiba lagu dhibaateeyo wadamo uu ka mid yahay Libya.

Waxa uu uu sheegay in dadka soomaaliyeed looga baahan yahay in aysan aqbalin in ay ogolaadaan in ay dhibaatadaas oo kale ay maraan dhalinyarada Soomaaliyeed.

“Hadii ay jiraan dad Soomaaliyeed oo damiir leh oo 28-kii sano e lasoo dhaafay usoo joogay wixii wadankaan uu soo maray,waa inaan ogolaanin in wiil iyo gabar soomaaliyeed aysan soo marin dhibaatadaan oo kale,waxan amrayaa hay’addaha amniga meel kasto ay ka howlgallan in ay ka shaqeeyeen sidii loo soo qaban lahaa kuwa caruurteena sidan ka dhigay.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha soomaaliya ayaa sheegay in dadka dhalinyaradeena Soomaaliyeed dhibaateynaya ay yihiin dad ajaanib ah basle ay kala Shaqeeyaan dad Soomaaliyed oo u baahan in wax lag qabto.

“Waxaa jira dad Soomaaliyeed oo la Shaqeeya dad ajnabi ah oo dhibaateeya dhalinyarada Soomaaliyed,waxana u sheegayaa hadii aad Soomaali tahay oo aad la baxday magafe waxad ogaataa in dowladda Soomaaliyeedna ay tahay madaashe,weey kaa daba imaan doontaa maalin ayaana cadaalada lagu hor keeni doonaa ayuu yiri ra’iisul Wasaaraha,

Hadalkan ayaa Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali kheyre waxa uu sheegay xilli xalay uu la kulmay dhalinyaradii Soomaaliyeed ee dhawaan laga keenay dalka Libya oo ay mudo ku xirnaayeen.

Hoos Ka Dhageyso Codka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media