Dhageyso:-Ra’iisul Wasaare Kheyre oo Fariin u diray Golihiisa Wasiirada

Xasan Cali Kheyre Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa Maanta ka qeybgalay munaasabad xariga looga jarayay Xarunta Wasaarada Waxbarashada oo Dib u dayactir lagu sameeyay.

Ra’iisul wasaaraha ayaa si weyn u soo dhaweeyay Talaabada ay qaadeen Shaqaalaha Wasaarada waxbarashada, isagoona ugu baaqay wasaaradaha kale inay ku deysadaan Talaabadaan oo door muhiim ah ka qaadaneysa hormarka dalka.

Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa ku dhiiri galiyay Masuuliyiinta iyo shaqaalaha Wasaarada Waxbarashada in hawlahooda ay balaariyeen, isla markaana la gaarsiiyo Gobolada dalka, si umada Soomaaliyeed ay u helaan waxbarasho Tayo leh iyo adeeg wanaagsan.

Hoos Ka Dhageyso Codka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media