Dhageyso:-Ra’iisul Wasaare Kheyre oo dalbaday in lagala Shaqeeyo 5 Qodob oo horyaalla Xukuumaddiisa

Xasan Cali Kheyre Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in Sanadkaan 2018 uu yahay mid Xukuumadda Soomaaliya muhiim u ah isla markaana ay dooneyso in ay wax badan u qabato Shacabka Soomaaliyeed.

Waxa uu sheegay in Shacabka Soomaaliyeed ay ka doonayaan in ay kala Shaqeeyaan dhowr arrimood oo danta dalka iyo Dadka Soomaaliyeed ay ku jirto.

“Waxan idinka codsaneynaa in aad nagala Shaqeysaan sidii Ummadda Soomaaliyed ugu bixi laheyd gaajada, waxana idinka codsaneynaa in ad nagala Shaqeysaan dhameystirka Dastuurka qabyada ah, waxana idinka codsaneynaa in aad nagala Shaqeysaan doorasho noocee ah ayaa dalkaan ka dhaceysa intaas oo idil iyo in ka badan ayaan u baahanahay in nagala shqqeysaan ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Kheyre”

Sidoo kale waxa uu Ra’iisul Wasaare Kheyre soo hadal qaaday qodobadii ka soo baxay shirkii Amniga Qaranka ee Habeen ka hor lagu soo gaba gabeeyay Muqdisho,waxa uuna sheegay in dhammaan Madaxda Qaranka iyo kuwa Dowlad Goboleedyada ay isla garteen qeybiga Kheyraadka dalka iyo shir kale oo ka dhacayo Magaalada Baydhabo.

Hadalkaan ayaa R’iisul Wasaaraha Soomaaliya waxa uu xalay ka jeediyay Xaflad Casho Sharaf ah oo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Eng, Cabvdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow uu ku Casuumay madaxda Dowlad goboleedyada.

Hoos Ka Dhageyso Codka Ra’iisul Wasaare Kheyre.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media