Dhageyso:-Ra’iisul Wasaare kheyre oo Ciidamada Xasilinta ku amaanay Sugida Amniga Muqdisho

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in dalka Soomaaliya haatan laga daremayo ifafaalo ku aadan dhanka amniga kadib howlgallada joogtada ah oo ay wadaan Ciidamada Xasilinta Amniga Muqdisho.

Waxa uu sheegay in ay taasi sababteeda leeyiiin ciidamada xasilinta Amniga kuwaas oo mudo ka badan bil ku bixiyay waqti badan.

Hadalkaan ayuu ra’iisul ayuu sheegay Wasaaraha Soomaaliya xili uu booqday Xarun ay ku sugnayeen Ciidamada xasilinta amniga waxa uuna ku amaanay in ay kaalin wanaagsan ka galeen dhanka amniga.

Ugu dambeyn waxa uu ugu baaqay in ay siweyn uga qeyb qaataan sugida amniga maadaama ay yihiin indhihii Shacabka sida uu hadalka u dhigay.

Hoos Ka Dhageyso Codka Ra’iisul Wasaaraha

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media