Dhageyso:-Ra’iisul Wasaare Kheyre oo booqday dhaawacyada yaalla Isbitaalada dalka Turkiga+Sawirro:-

Xasan Cali kheyre Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Maalintii labaad ku sugan dalka turkiga ayaa xalay booqday Isbitaalo ay ku jiraan dadkii ku dhaawacmay qarixii 14 Bishaan ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa dhamaan Kormeeray Isbitaalada ay yaalaan   dadka dhaawacyada ah la jiifiyay ee Gudaha Turkiga.

Booqashada ayaa Ra’iisul Wasaaraha waxa ku wehliyay dhigiisa dalka Turkiga Wasiirka amniga Soomaaliya  iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo kala ah Xildhibaan Cabduqaadir Caraboow, Xildhibaan Sadiiq Warfaa iyo xildhibaan Caasho Koos.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa marka hore galay qol ay jiifaan 5 ka mid ah dhaawacyada dadkaasi oo Koomo ku jira,si uu u ogaado xaaladooda.

Xildhibaanada ku wehliya booqashadiisa Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxa ay sheegen in dowladda dhaawacyadaan asyan soo qaadin kliya balse ay weli daba joogto sidii ay ku heli la haayeen daryeel Caafimaad isla markaana dowldda ay bixin doono waxyaabaha ay u baahan yihiin.

Sidoo kale waxa uu la kulmay qaar ka mid ah Ehelada dadka dhaawacyada la jira kuwaas oo Ra’iisul Wasaaraha u gudbiyay dhibaatooyinka heesta ee u baahan xal helista.

Hoos Ka Daawo Sawirrada Booqashada kana Dhageyso Codka

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media