Dhageyso:-Ra’iisul Wasaare Kheyre oo balan qaaday ka bixinta 100 Arday Waxbarasho Jaamacadeed

Ra’isul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa kafaala qaaday in 100 arday oo ka baxay dugsiyada sare ee magaaladda Baydhabo uu ka bixin doono waxbarasho Jaamacadeed.

Xildhibaan Idiris Cabdi Dhakhtar oo ka tirsan golaha shacabka JFS oo shir jaraa’id  ku qabtay magaaladda Muqdisho ayaa sheegay in ra’iisul wasaaraha uu balan qaaday inuu bixin doono kharashka ku baxaya waxbarashada Jaamacadeed ee ilaa 100 arday oo dhameystay waxbarashada dugsiyada sare ee magaaladda Baydhabo.

Sidoo kale, xildhibaanka waxa uu sheegay in booqasho uu ku tagay deegaano ka tirsan gobolka Baay uu ku soo arkay xaalado bani’aadanimo oo ka jira deegaano ka tirsan gobolkaas.

Hoos Ka Dhageyso Shirka Jaraa’id ee Xildhibaanka

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media