Dhageyso:-Ra’iisul Wasaare kheyre oo amar siiyay Saraakiisha Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali kheyre ayaa fariin u diray dhamaan Saraakiisha Ciidamda Qalabka sida ee Soomaaliya xili uu ka qeyb galayay kulanka todobaadlaha ah ee Saraakiisha Ciidamada kaas oo lagu qabtay Muqdisho.

Xasan Cali kheyre,ayaa sheegay in Saraakiisha Ciidamada looga baahan yahay in ay ku dadaalaan sidii ay isugu soo dhaweyn lahaayeen mideynta Ciidamada si ay u qaadaan talaabo.

Waxa uu sheegay in Midnimada iyo Nabadda Soomaliya aan lagu keeni Karin baryo basle Midnimadu xoog tahay in lahelo.

Gaba gabadii waxa uu sheegay in ay Saraakiisha ciidamada looga baahan yahay in ay ogaadaan in uu jiro Cadaw doonaya in uu ka faa’iideesto.

Hoos Ka Dhageyso Codka Ra’iisul Wasare Kheyre

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media