Xasan Cali Kheyre Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa xalay kulan deg deg ah waxa uu la qaatay Masuuliyiinta Hay’addaha amniga dalka kadib qaraxii dadka badan ay ku dhinteen ee ka dhacay Xarunta Maamulka degmada Wadajir.
Xubno ay ka mid yihiin Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Isloow Taliyaha hay’adda Nabad-Sugida Soomaaliya,ayaa Goobjoog ka ahaa kulankaas kuwaas oo wax laga weeydiiyay qaraxii degamda Wadajir.
Dhamaan Masuuliyiintii kulankaas ka qeyb gashay ayuu Ra’iisul wasaare Kheyre,kala hadlay qaabkii uu u dahcay qaraxas xili Ciidamada Xasilinta Amniga ay howlgallo ka wadaan gudaha Magaalada Muqdisho.
Wasiirka Wasaarada Warfaafinta dowladda Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow,oo kulanka kadib la hadlay Saxaafada ayaa faah faahiyay waxyaabihii ka soo baxay kulankaas.
Hoos Ka Dhageyso Codka