Dhageyso:- Ra’iisul Wasaaraha oo ku baaqay la Shaqeynta Ciidamada xasilinta amniga Muqdisho

Ra’iisul Wasaaraha Soomaliya Xasan Cali Kheyre iyo taliyaha Ciidanka Nabad-Sugida Soomaaliya Cabdulalahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) iyo Wasiirka amniga Soomaaliya oo uu qeyb ka yahay gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa xalay la afuray ciidamada xasilinta amniga Muqdisho kuwaas oo howlgal ka waday qeybo ka mid ah Wadada Maka-Almukarama.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali kheyre ayaa sheegay in ay wax weyn tahay in madaxdii qaranka xili habeen ah ay meel banaan ah kula afuraan ciidamada dowladda islamarkaana taasi ay muujineyso amniga ka jira Magaalada muqdisho.
Waxa uu ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed in ay garab istaagaan ciidamada qalabka sida islamarkaana ay moqdan kuwo Biyaha ka daba qaada oo soo sheega meeshii ay uga shakiyaan in ay jogaan dad amniga wax u dhimaya.
Hoos Ka Dhageyso Codka