Dhageyso:-Raggii weeraray kolonyo uu la socday Gudoomiyaha G/Hiiraan oo la qabtay

Shalay Gelinkii dambe ayaa waxaa kooxo hubeysan ay weerar ku qaadeen markale xili uu ka soo baxay degmada Maxaas kuna soo jeeday Baladweyne kolonyo uu l socday Gudoomiyaha gobolka Hiiraan Cali jeyte Cismaan.

Weerarkaas kadib Ciidamada kala duwan ee Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa sameeyay howlgal ay sheegeen in ay ku soo qabteen dadkii ka dambeeyay weerarkaas.

Maxamed Maxamuud Rooble oo ah ku simaha taliyaha Ciidamada Booliiska Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in howlgallo laga sameeyay tuulooyin u dhow degmada Maxaas iyo degmada Buq’qable ay ku guuleysteen in ay qabtaan raggii weeraray kolonyada uu la socday Gudoomiyaha G/hiiraan.

Waxa uu sheegay in ciidamada dowladda iyo kuwa Shabaab uu dhex maray dagaal kooban isla markaana khasaaro ay gaarsiiyeen Shabaabkii weeraray kolonyada uu la socday gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali jeyte Cismaan.

Ugu dambeyn waxa uu sheegay in ilaa iyo hadda ay werarkaasi u qabteen 20 ruux oo lagu eedeynayo in ay ka dambeeyeen kuwaas oo hadda uu baaritaan ku socodo.

Hoos Ka Dhageyso Codka ku simaha taliyaha.

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media