Dhageyso:-Rag la sheegay in ay ka tirsanaayeen Al-Shabaab oo isa soo dhiibay

Maamulka degmada Qansax dheere ee gobolka Baay ayaa faah faahin ka bixiyay rag la sheegay in ay ka tirsanaayeen Al-Shabaab kuwaas oo Saacadihii la soo dhaafay isku soo dhiibay Maamulka degmadaas.

Gudoomiyaha degmada Qansax dheere ee Gobolka Baay Aadan Cabdi Qooqane oo wareysi gaar ah siiyay Radio Dalsan Xarunta Muqdisho ayaa sheegay in ragaas oo gaaraya ilaa laba ay suurtagashay wadahadal kadib in ay maamulkooda isku soo dhiiban.

Waxa uu sheegay in iyaga ay ragaas xiriir la sameeyeen sidaasna ay ugu suuragashay in uu Gacanta Maamulka soo galaan.

Ugu dambeyn waxa uu sheegay in cidkasta oo diyaar u ah in ay isasoo dhiibto uu Maamulku soo dhaweynayo.

Hoos Ka Dhageyso Wareysiga Gudoomiyaha degmada Qansax Dheere

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media