Dhageyso:-Rag haweeney 65 Sano jir ah ku dilay Garas Baaley oo Gacanta lagu dhigay

Maamulka deegaanka Garasabaleey ee duleedka Magaalada Muqdisho ayaa Warbaahinta u xaqiijiyay in Gacanta lagu dhigay dadkii ka dambeeyay dilka Haweeney lagu dilay deegaankaas.

Habeen ka hor ayaa Kooxo hubeysan waxa ay gurigeeda ugu galeen kuna dileen Allaha u Naxariistee Siteey Maxamed Aadan oo 65 Sano jir aheyd horayna uga tirsaneyd Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya balse laba Sno ka hor Shaqada laga ruqseeyay.

Guddoomiyaha degaanka Garasbaaley ee duleedka Muqdisho C/raxmaan Axmed Cali ayaa sheegay in haatan raggaas Gacanta lagu hayo isla markaana Cadaalada la horkeeni doono.

Hoos Ka Dhageyso Codka Gudoomiyaha Garas Baaleey.