Dhageyso:- Qoys Soomaali ah oo dib loogu Celiyay Caruurtooda

Qoyskaan Soomaaliyeed ayaa horay waxaa looga qaatay Caruurtooda oo gaaraya ila 10 Caruur ah sida ay xukuntay Maxkamada dalka Canada kadib markii lagu soo eedeeyay in ay Caruurtaas dayaceen.

Waalidiinta dhashay Caruurtaas ayaa ka walwalsanaa,waxaana jirtay dadaal lagu bixinayay in Qoyskaas ay markale heleen cauurtooda,waxana ugu dambeyn lagu soo wareejiyay 8 ka mid ah Caruurtooda halka weli laba ka mid ah ay ka maqan yihiin.

Aabaha dhalay Caruurtaas oo lagu Magacaabo Cabdi cosoble Caafi ayaa sheegay in arintaas ay aheyd mid murugo leh balse uu haatan rajo weyn soo gashay,waxa uuna sheegay in labada kale ee ka haray Caruurtiisa todobaadkaan dib loogu soo celin doono.

Maxkamada dalka Canada ayaa horay dadkaasi uga xukuntay in laga wareejiyo balse haatan markale ay dib ugu soo celisay kadib markii la geeyay Hotel lagu xanaaneynayay.

Hoos Ka Dhageyso Codka Aabaha dhalay Caruurtaas.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media