Dhageyso:-Qof Shacab ah oo Caawa lagu dilay Gudaha degmada Hurwaa

Qof ka mid ah dadka ku nool degmada Hurwaa ee Gobolkaan Banaadir oo la soo xiriiray Raadiyaha Dalsan ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Walaalkiis lagu dilay gudaha degmadaas.

Mahad Cabdullaahi Axmed ayaa sheegay in Walaalkiis Mahad Cabdullaahi Axmed lagu dhex dilay Saldhiga degmada Hurwaa iyaga oo dhamaan eheladiisa ay ku sugnayeen Saldhiga  kadib amar ka soo baxay taliyaha Saldhiga degmadaas sida uu hadalka u dhigay.

“Walaal markii hore taleefon ayaa laga soo wacay walalkey waxaana loo sheegay in Saldhiga uu yimaado si uu u dacwo baxo, sida la ii sheegay dad deriska ah ayay iskhilaafeen markii uu Saldhiga tegayna waa la toogtay ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu sheegay in uu xiriir la sameeyay taliyaha Ciidanka Booliiska Gobolka Banaadir Gen, Maalin markii uu arrintii ku wargeliyayna uu ugu jawaabay in walaalkood uu ahaa Nin waalan oo maskaxda looga jiray.

Ugu dambeyn waxa uu sheegay in  aysan aasi doonin Meydkiisa ilaa Ruuxii dilay Cadaalada la horkeeno.

Hoos Ka Dhageyso Wareysiga oo dhameystiran

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media