Dhageyso:-Qodobo laga soo saaray Madasha Sanadlaha ee Hey’adaha Dowlada

Xubnaha ka kala socday Dowlad Goboleedyada iyo Dowlada Federaalka ayaa mudo labo cisho ah aad uga dooday Argtida la xiriirta dhismaha Hey’adaha Dowlada iyo Tayenta Shaqaalaha Dowlada.

Ujeedka kulankan oo ahaa hagaajinta hanaanka hey’adaha Dowliga ayaa  waxaa soo Agaasimay Xafiiska Raisul Wasaaraha.

Galinkii dambe ee Axadii Maanta ayaana suxufiyiinta loo soo bandhigay qodobada laga soo saaray Madashaasi,waxaana goobtaa ka Akhriyay Agaasimaha Guud ee Wasaarada Warfaafinta C/raxmaan Yuusuf Alcadaala,Qodobada ayaa waxa ay ahaayeen talooyinkii Madasha ka soo baxay waxaana inta badan lagu qiray in loo baahan yahay tayeenta Shaqaalaha Dowliga iyo dib u habeynta Hey’adaha Qaar.

Maxamed keynaan Xoghayaha Guud ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa soo xeray Madashaasi,waxaana uu bogaadiyay doorka mas’uuliyiinta ka qeyb galay iyo aragtiyada ay ka baxiyeen Madasha Sanadlaha ee Hey’adaha Dowlada.

Xukuumada Federalka ayaa Madashan Sanadlaha ee Hey’adaha Dowlada waxa ay u noqoneysaa Muhiim gaar ah,oo waxa ay dooneysaa in ay balaariso Talada iyo aragtida la xiriirta Tayenta Shaqaalaha Dowlada iyo Dhismaha Hey’adaasi,Dowlad Goboleedyada ayey sido kale fursad u noqoneysaa in ay helaan Madal ay kusoo bandhigaan caqabadaha ka heysta hanaqaadka Hey’adaha Dowlada ee Maamul Goboleed.

Halkan ka Dhagesyo Agaasimaha Guud ee Wasaarada Warfaafinta Craxmaan Alcadaala:

Halkan Ka dhageyso Xoghayaha Guud ee Xafiiska Raisul Wasaaraha Maxamed Keynaan:

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media