Dhageyso:-Qodobadii ugu Muhiimsanaa ee looga hadlay Shirka Golaha Wasiirada Soomaaliya+Sawirro

Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa oo uu shir-guddoominayay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa arrimaha kulanka looga hadlay waxaa ka mid ahaa Amniga, ansixinta Hindise Sharciyeedyo, warbixino la dhageystay iyo magacaabista Hanti Dhowrka Guud ee Qaranka.

Golaha Wasiirada ayaa ugu horreyntii soo dhoweeyey Heshiiskii Soomaaliya iyo India ee ku saabsanaa is-weydaaarsiga maxaabiista. Golaha ayaa dhageystay warbixinta safarka Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Xeer Illaaliyaha Guud ee Qaranka oo booqday xabsi ay Soomaali ku xirnaayeen, oo Soomaalida ay maxaabiista ku soo arkeen ahaayeen kuwo qaadayay heestii Soomaaliyey toosoo toosoy isku tiirsada ee, isla markaasna ay sawir calanka ah sameeyeen bacdamaa aysan heysan calanka. Maxkamada India ayaa 15 Soomaali ah ku xukuntay 7 sano oo xarig kuwaas oo 6sano iyo bar horey u soo dhameystay.

Wasiirka Amniga ayaa sheegay in horumar ballaaran laga sameeyey dhanka xasilinta caasimada iyo nawaaxigeeda, ciidanka niyadiisana ay aad u dhisantahay, dhowaana la dar-dargelin doono soo celinta amniga iyo nabadeynta dalka oo dhan. Wasiirka ayaa sheegay in iyadoo lala kaashanayo Gobolka Benadir iyo dhowaan la furi doono waddooyinka xir-xiran qaarkood bacdamaa amnigii uu soo hagaagayo. Wasiirka ayaa sheegay in maanta Ra’iisul Wasaarahu ka qeybgalay barnaamijka is-dhexgalka, wada-shaqeynta iyo wacyigelinta ee ciidamada qalabaka-sida oo lagu qabtay Akadeemiyada Jeneral Kaahiye.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa ka warbixiyey howlihii u qabsoomay Guddiga Siyaasada ee Heer Wasiiro oo dhowaan la soo gudbin doono qorshaha iyo istraatejiyada lagu hubinayo in dalka doorashooyin ka dhacaan 2020-2021ka, dib-u-eegista dastuurka, hirgelinta xisbiyada siyaasada, dhameystirka qorshaha federaaleynta, dib-u-heshiisiinta iyo hubinta amniga doorashooyinka.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisoow ayaa Warbaahinta u Akhriyay qodobada looga hadlay shirka Golaha Wasiirada

Hoos Ka Dhageyso Codka kana Daawo Sawirrada

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media