Dhageyso:-Qodobadii lagu ansixiyay kulanka Baarlamaanka Soomaaliya

Xarunta Golaha shacabka ee Magaalada muqdisho waxaa amanta kulankoodii caadiga ahaa ku yeeshay Xildhibaanada baarlamanka Federaalka Soomaaliya,iyada oo kulanka ay cod u qaadeen qodob ku aadanaa 8,dii Kursi ay horay u diiday doorashadooda Maxkamada sare ee dalka.

Ilaa 184 Xildhibaan ayaa isku raacay diidmada go’aankii ka soo baxay Maxkamadda sare ee dalka ee ahaa in dib loogu noqdo doorashada 8-dii kursi ee muranka ka taagnaa .

Sidoo kale inta uu kulanka socday ayaa xildhibaanadu waxa ay meel mariyeen Xilheynta Xubnaha Baarlamaanka soomaaliya iyo Buuxinta hadii uu kursi banaanaado.

Maxamed Sheekh cusmaan Jawaari,oo kulanka Baarlamaanka Soomaaliya Maanta shir gudoominayay ayaa soo bandhigay Shan Qodob oo uu qofku ku wyenkaro xubinimdiisa Baarlamaan.

Guddoomiye Kuxigeenka Labaad ee Baarlamaanka Mahad Cabdalla Cawad ayaa goobta ka Akhriyey Go’aanadii horay u soo baxay ee ku aadanaa Doorashada 8,da Kursi ee Xubnaha Golaha Shacabka.

Hoos Ka Dhageyso Codka Gudoomiye ku xigeenka labaad

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media