Dhageyso:-Qodobadii ka soo baxay kulanka Baarlamaanka Soomaaliya (Warbixin)

Guddiga Kheyraadka Biyaha ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Xildhibaanada horkeenay akhrinta 2,aad ee Sharciga Biyaha oo ay soo diyaarisay Wasaaradsa Korontada iyo Biyaha Xukuumadda Soomaaliya.

Gudoomiyaha Guddigaas Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Bare ayaa sheegay in ay wax ka badaleen qodobada qaar ee Sharcigaan kadib markii ay dhageysteen talooyinka xildhibaanada Golahada Shacabka waxaana uu xusay in Sharcigaan Biyaha uu u baahanyahay Codka Golaha si uu u noqdo dhaqangal

Qaar kamid ah Xildhibaanada ayaa waxa ay sheegeen in loo baahanyahay in Wasaaradda ay wax ka qabato Biyahay aan nadiifka aheyn ee la cabo biyahaas oo qiima Sare dadku ay ku helaan waqtiyada qaarna Biyahayba la waayo

Wasiirka Wasaaradda Korontada iyo Biyaha ee Xukuumadda Soomaliya Xildhibaan Saalax Caliyow Ibrow ayaa Baarlamaanka u balan qaaday in Wasaaradu ay dadejin doonto sidii waxlooga qaban lahaa Biya xireenada burburay iyo ka faa’iideysiga biyaha dhulka hoostiisa jiifa iyo kuwa Wabiyada.

Sharcigaan oo la filayay in Maanta la ansixiyo ayaa dib loo dhigay kadib markii la waayay  kooram lagu ansixiyo waxaana la filayaa in kulamada ugu horeeya ee Baarlamaanka la horkeeno lana ansixiyo.

Hoos Ka Dhageyso Warbixin ay ka diyaarisay Wariyaheena dhinaca Baarlamaanka Farxiyo Muraad

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media