Dhageyso:-Qodobadii ka soo baxay kulan aan caadi aheyn oo ay yeesheen Golaha Wasiirada

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa galabta shir-guddoomiyay shirkii aan caadiga ahayn ee gollaha wasiiradda Soomaaliya, waxaana looga hadlay Xaaladda fatahaada wabiyadda Jubba iyo Shabelle, Anxisinta Hab-Maamuuska xeerka lagu aas aasay Midowga Baarlamaanka Africa, Amniga dalka iyo warbixin ku saabsan shirkii arrimaha amaanka ee Belgium.

Gudoomiye Ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Soomaaliya Mahdi Cabdalle Cawad ayaa gollaha u soo bandhigay xeer khuseeya Midowga Afrika, kaas oo ay ku midaysan yihiin dhammaan baarlamaanka Qaaradda Africa, waxaana shir-guddoomiye u ah Soomaaliya. Dood iyo falanqayn dheer ka dib gollahu waxay isla gartayn in si deg-deg ah loo ansixiyo xeerkan, si dawladda soomaaliya ay xubin uga sii ahaato midwaga baarlamaanka Afrika.

Wasiir ku xigeenka Amniga Soomaaliya Cabdinaasir Siciid Muuse ayaa ka warbixiyay ammaanka dalka gaar ahaan xaaladda Muqdisho iyo habka ay ciidamadu u wadaan howlagalada laga fuliya gobollada dalka iyo caasimadda Soomaaliya, kuwaasi oo la gula dagaaalamo kooxda Alshabaab. Waxuuna cadeeyay wasiirku in wasaaradda ay mar-walba ka shaqeyso dar-dargelinta xasilinta amaanka dalka oo dhan.

Sidoo kale golloha ayaa wabixin faah-faahsan ka dhagaystay Guddiga gar-gaarka qaran ee fatahaada wabiyadda Jubba iyo Shabelle, waxayna soo bandhigayn saamaynta ay shacabka Soomaaliyeed ku yeesheen fatahaada wabiyada. Intaas ka dib gollaha xukuumaddu ayaa isla gartay in ay dawladdu ku bixiso waxkasto oo ay hayso, si loo badbaadiyo shacabka, sidoo kalena ay qorshe balaarana ka yeelato soo noq-noqshada fatahaada wabiyada.

Ugu dambayntii Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadlay shirkii arrimaha amniga iyo xaaladda ciidmadda ee Belgium, waxuuna sheegay in xukuumaddda Brussels ay miisaaniyada Soomaaliya ku kabayso lacag dhan € 100 Euro, oo u dhiganta 120,million. Sidoo kalena waxaay dawladaha caalamka balan qaadeen in ay caawin doonaan Soomaaliya.

Hoos Ka Dhageyso Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxmaan iidaan Yoonis oo sharaxa qodobadii looga hadlay kulanka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media