Dhageyso:-Qodobadii ay ku Heshiiyeen Masuuliyiinta Maamulka G/Banaadir iyo Kan Beerta Nabadda

Kulan ay Maanta Xarunta Beerta Nabada ee Magaalada Muqdisho Xubno ka socday gobalka Banaadir iyo Maamulka Beerta Nabadda ayay ku heshiiyeen in dib looga laabto amarkii Gobalka Banadir ee Ahaa in lacag la aan lag dhigo soo galitaanta Beerta Nabadda taasi oo ay ka Gadoodeen raga Maamula Beerta Nabada.

Kulankaan oo mudo saacdo ah qaatay ayaa ugu dambeyntii Laga Soo Saaray Sadax qodob oo ay ku heshiiyeen Ganacsatadii Maalgashatay Beerta Nabadda waxaana qodabadaasi ka mid  ahaa  in Beerta ay sideedii hore ku soo laabato,islamarkaana qofkii Beerta u dalxiis tagaya laga qaado lacag dhan 1 Dollar oo markii hore lagu geli jiray.

Cabdi Fitax Cumar Xalane Afhayeenka Maamulka gobolka Banaadir ayaa Warbaahinta u Akhriyay qodobadii ay ku heshiiyeen labada dhinac,waxaan ka mid ahaa Sadax Qodob.

1:- In Maanta laga bilaabo Maanta Beerta Nabadda howshoodii caadiga ahaa ay dib u bilaawdaan

2:- In Beerta xiligaan wixii ka dambeeya qof walba laga qaado lacag dhan 1 Dollar qof weyn ama Qof Yar intaba.

3:- In Dadka Da’da ah ama indhoolayasha ah ee doonaya in ay Beert ku nastaan in aan wax lacag ah laga qaadi Karin.

Hoos Ka Dhageyso Codka fhayeen Xalane

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media