Dhageyso:-Qarax ka dhacay Jowhar & Masuulka tirsan Hir-Shabeelle oo lala beegsaday

Qaraxaan oo ahaa mid gaarigiisa loogu xiray mid ka mid ah Saraakiisha Dowladda Hoose ee Maamulka Shabeellaha Dhexe ayaa Maanta ka dhacay Magalada Jowhar ee Xarunta Maamulka Gobolkaas.

Qaraxaan oo inta badan laga maqlay xaafadaha Magalada Jowhar,ayaa Goobjoogayaal waxa ay sheegeen in Gaariga Miinada lagu xiray ee qarxay uu lahaa Abaadir Odawaa Maxamuud oo ah xubin ka tirsan qeybta Dhaqaalaha ee Maamulka hir-Shabelle.

Goobta uu gaariga qarxay yaallay ayaa waxa ku yaalla Xarumaha Garsoorka Maxkamadaha Gobolka Shabeellaha Dhexe iyo sidoo kale qeybta Dhaqaalaha ee Maamulka Hir-Shabeelle.

“Majirto wax khasaaro ah oo uu geystay qaraxa,waa uuna ka badbaday masuulkii lahaa,burbur ayuu u geystay dhismooyin ka agdhawaa masuulka waa markii labaad oo qarax logu xiro gaarigiisa,ciidamada ayaa hataan wada baaritaano ku adan cida gaariga miinada ku xirtay welina dad looma qaban ayuu yiri qofka mid ah Sahcabka Magalada Jowhar”

Warkaan oo dhameystiran Waxaa Jowhar ka soo diray Wariyaheena Xasan Cabdullaahi Cabdulle.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media