Dhageyso:-Qarax Ka Dhacay Garoon Kubadeed oo Dhimasho Sababay

Wararka ka imaanaya magaalada Barawe ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in ugu yaraan afar dhalinyaro ah ay ku dhinteen dhowr kalena ay ku dhaawacmeen qarax maanta halkaasi ka dhacay.

Qaraxa ayaa haleelay dhalinyaro kubad ku cayaareysay meel garoon ah sida ay VOA u sheegeen qaar ka mid ah masuuliyiinta gobolka iyo kuwa degmada.

Cayaarta ayaa aheyd Semi-Finalka cayaaro degamada ka socday oo ay isku arkayeen kooxo lagu kala magacaabo Elman iyo SYL.

Masuuliyiinta ay VOA la hadashay ayaa sheegay in qaraxa uu ahaa walxo lagu aasay qeybta ay dadka muhiimka ah fariistaan ee garoonka lagu cayaarayay.

Weli ma jirto cid sheegatay weerarka hase yeeshee saraakiishii aan la hadalnay ayaa sheegay inay tuhunsanyihiin Al-ShabAab inay masuul ka ahaayeen weerarkaas.

guddoomiye ku xigeenka degmada Baraawe Bashiir Maxamed Yuusuf ayaa ka hadlay qaraxaas.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media