Dhageyso:-Qarax Caawa ka dhacay qeybo ka mid ah M/Muqdisho

Qaraxaan ayaa Caawa jugtiisa waxaa laga maqlay qaar ka mid ah degmooyinka gobolkaan Banaadir waxana la sheegay in uu ahaa Miinada nooca dhulka lagu aaso.

Qof ka agdhawaa ayaa Dalsan u sheegay in qaraxaan uu aha Miinada nooca dhulka lagu aaso ah taas oo la dhigay meel aan ka fogeyn Isbitaalka digfeer ee Degmada Hodan.

Waxa uu sheegay in qaraxa uu ka dhacay Derbiga u dambeeyay ee Isbitaalka mrka la aado dhanka tarabuunka isla markaana uusan ka dhalan wax khasaaraha ah.

Sidoo kale waxa uu shegay in inta uusan dhicin qaraxa ka hor mudo 10 Daqiiqo ah uu halkaasi maray mid ka mid ah Gadiidka Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya.

“Goob qashinka la dhigo ayaa qaraxa lagu aasay jugtiisa wan maqalnay balse mageysan wax khasaaro ah waayo cidi uma dhaweyn goobta oo cidlo ayay aheyd balse haatan goobta ciidmo ayaa yimid oo Wadada wa la xiray cidna looma ogola in ay marto ayuu yiri goobjoogaha.

Hoos Ka Dhageyso Wareysiga Goobjoogaha