Dhageyso:-Qarax Caawa ka dhacay Muqdisho iyo Wasaaradda Amniga oo ka hadashay

Maqribnimadii Caawa ayaa qarax Miino waxa uu ka dhacay Isgoyska km4 ee Magalada Muqdisho qaraxaas oo geystay khasaaro dhimasho ah sida ay xaqiijisay Wasaaradda Amniga Soomaaliya.

Miinadaan ayaa Goobjoogayaal waxa ay sheegeen in ay la qaraxday mid ka mid ah caruur garaaceysay,waxana halkaasi ku geeriyooday mid ka mid ah Caruurtaas.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga Soomaaliya Cabdi Casiis Cali Ibraahim Xildhibaan oo sigaar ah ula hadlay Dalsan ayaa sheegay in Miinadaas ay la qaraxday Caruur ku ciyaareysay gaar ahaan kuwa derbi-jiifka ah isla markaana uu geeriyooday mid ka mid ah Caruurtaas.

Waxa uu sheegay in iyaga iyo masuuliyiin kale ay booqdeen goobtii uu qaraxa ka dhacay isla markaana ay wadaan baaritaano wixii ka soo baxana ay Warbaahinta la wadaagi doonaan.

Marka laga soo tago hadalka Afhayeenka Wasaaradda amniga Warar soo baayay ayaa waxa ay sheegayan in khasaraha qaraxaas uu gaarayo ilaa 4 Caruur ah in kastoo aan Warkaas la xaqiijin.

Hoos Ka Dhageyso Codka Afhayeenka Wasaaradda Amniga.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media