Dhageyso:-Qaramada Midoobey oo Galmudug ka Caawineysa arimo dhowr ah

Waxaa Maanta  gaaray magaalada Cadaado ee xarunta KMG ah maamulka Galmudug oo ka socday hey’adda horumarinta barnaamijyada Qaramada midoobay ee UNDP ayaa waxaa madaxtooyada Galmudug kulan kula yeesheen madaxweyne ku xigeenka maamulkaas iyo guddoomiyaha baarlamaanka dowlad goboleedka Galmudug.

Maxamed Xaashi Carabeey Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Glmudug ayaa sheegay in u jeedada wefdigan ay tahay sidii qiimeyn ugu sameyn lahaayeen saameynta abaarta ku dhufatay deegaanada Galmudug iyo sidii maamulka ugu gacansiin lahaayeen gurmadka dahnka abaaraha iyo waliba sidoo kale barnaamijyada horumarinta.

Sidoo kale wax uu sheegay in Wafdiga ay Maanta ku wareejiyeen ila laba guri kuwaas oo dhsimihiisa uu dhawaan soo gabagaboobay.

Hoos Ka Dhageyso Shirka Jaraa’id ee Madaxweyne ku xigeenka

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media